Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee AFRICA CDC

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Addis Ababa, Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Caafimaadka ee Midowga Afrika (Africa CDC), Dr. Jean Kaseya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hannaanka caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo wasiirku uu soo jeediyay in Africa CDC ay kor u qaaddo kaalinta qubarada Soomaaliyeed ee jihaynta siyaasadda caafimaad ee qaaradda Afrika. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay xoojinta mashaariicda caafimaad ee Africa CDC iyo kor u qaadista tababarada howl-wadeenada caafimaadka ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Africa CDC ayaa bogaadiyay dadaallada Soomaaliya ee kor u qaadista tayada caafimaadka, isagoo xaqiijiyay in Africa CDC ay sii wadi doonto taageerada iyo xoojinta kaalinteeda ee horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...