Soomaaliya iyo muritaaniya oo iska kaashanaya ka hortagga musiiboyinka 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane.Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Masiibooyinka ee ka socda dalka Kuwait, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay wafdiga matalaya dowladda Muritaaniya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Horumarka Waara, Mrs. Messouda Mint Baham.

Kulankan labada wafdi ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee la xiriira khibrad-wadaagga iyo horumarinta hababka digniinta ee ka hortagga musiibooyinka, halka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato kobcinta awoodaha farsamo ee ku aaddan hirgalinta xarunta digniinta hore ee ay qorshaynayso Wasaaradda Deegaanka ee Muritaaniya.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay in iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn lala yeesho dalalka gobolka si loo xoojiyo dadaallada yareynta khataraha musiibooyinka iyo ka hortagga saameyntooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...