Wasiir-dowlaha Gaashaandhigga oo marti-galiyay Kulan looga hadlaayo illaalinta Carruurta 

Date:

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa marti-gelisay kulanka seddex biloodka ah ee looga hadlayay sidii loo ilaalin lahaa carruurta ay saameeyeen colaadaha.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XukuumaaddaFederaalkaSoomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa furay kulanka, waxaana ka soo qeybgalay xubno ka tirsan wasaaradaha kala duwan, sida Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Xaqa-u-istaagga Insaanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay wakiilada Ilaalinta Xaqa-u-istaagga Carruurta iyo Xaqa-u-istaagga Insaanka ee UNTSOM, iyo dhammaan saraakiisha ka shaqeysa arrimaha xuquuqda carruurta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ilaalin lahaa badbaadada carruurta Soomaaliyeed iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa waxyeellada ka dhalan karta colaadaha xilliyada dagaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...