Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay wiil 13jir ah oo la dhibaataysan DAB uu ku gudbtay

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay dhibane Cabdisalaam Axmed Xasan oo ah wiil 13-jir oo mudo Hal-sano ah la xanuunsanayo dhibaato kasoo gaartay DAB uu ku gubtay oo saameeyay qeybo ka mid ah jirkiisa.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa warbixin ka dhageystay Aabe Axmed Xasan Cumar oo ah Aabaha dhalay dhibane Cabdisalaam, isaga oo sheegay in xaalada caafimaad ee wiilkiisa aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban karin, islamarkaana aysan awoodin in ay caafimaad dibada ah la raadiyaan maadaama uu sheegay in ay yihiin qoys dan’yar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa balan qaaday in uu garab istaagi doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Cabdisalaam, isaga oo eebe ugu baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/W Xamse ” Xukuumaddaydu waxa at u guuri doontaa jiidaha hore ee dagaalka”

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Cadale  

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xilka u kala wareejiyay Wasiirrada Ganacsiga 

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Kulanka Guddiga Joogtada ah oo lagu dhaariyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...