Masar oo qabaneysa kulan looga hadlaayo arrimaha Falastiin

Date:

Masar ayaa ku dhawaaqday in 27-ka Febraayo ay martigelin doonto shir degdeg ah oo Carbeed,kaas oo looga wada hadi doono arrimaha Falastiin,gaar ahaan qatarta ku aadan soo jeedinta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee khuseysa in Falastiiniyiinta laga saaro Marinka Gaza.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu martigelin doonto shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya Qaahira, ka dib wadahadallo heer sare ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday dalalka Carabta oo ay ku jiraan dowladda Falastiin oo codsatay in la qabto shir madaxeedka si looga wadahadlo qadiyadda Falastiin.

Madaxweynayaasha Masar Abdel Fattah el-Sissi iyo Boqorka Urdun Abdullah II ayaa ku gacan seyray baaqii Trump ee ahaa in falastiiniyiin la dajito goobo kale iyo in Mareykanka uu la wareego Gaza.

Soo jeedinta Trump ayaa ka careysiisay dunida Carabta oo ay ku jiraan Masar, Jordan iyo Sacuudi Carabiya oo xulufo la ah maamulka Washington.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...