Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 9-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo uu barbar soconayo kulanka Sanadlaha ah ee Kulanka Dowladaha Adduunka. 𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐆𝐨𝐯𝐞𝐫𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐒𝐮𝐛𝐦𝐢𝐭.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka ka khudbad kooban ka jeediyay ayaa waxa uu diiradda ku saaray arrimaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo qorshayaasha maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah ay siinayso Xukumadda Dan Qaran. Mudane Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga gudaha oo horseed unoqonaya horumar maaliyadeed.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...