Madaxweynaha Kenya oo qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya

Date:

Madaxweynaha dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa xarunta Madaxtooyada dalka Kenya ku qabtay kulan gaara uu kula kulmayay dublomaasiyiinta dalalka shisheeye ee jooga dalka Kenya, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaana Soomaaliya kulankaas ku matalayey.

“Waxaa la igu casuumay ka qeybgalka kulanka xogwareysiga ah ee uu Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto la qaatay dibloomsiyiinta fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, kaasi oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada. Kulanka ayaa Dowlada Kenya ku soo bandhigtay kuna muujisay aragtida istaraatiijiyadeed ee Kenya ee ku aaddan dhanka horumarinta xiriirka caalamiga ah iyo in dib loo xaqiijiyo sida ay Kenya uga go’antahay sare u qaadida cilaaqaadka diblomaasiyadda iyo iskaashiga nabadda ee Gobalka”. Ayuu yiri Danjire Jabril.

Soomaaliya iyo Kenya waa labo dal oo daris ah kuwaas oo xiriirkoodu uu xiligaan maraayo heerkii ugu sareeysay. Madaxweyne Ruto ayaa soo hadalqaaday xiriirka labada dal iyo doowrka Dalka kenya ee ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo ku sugan dalka Kenya. Waxa uuna sheegay in uu si buuxda u garab taagan tahay dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...