Wasiirrada Beeraha iyo Deegaanka oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada mudane, Bashiir Maxamed Jaamac ,ayaa kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods.

Kormeerkan ayaa lagu eegayey sida xaruntu u shaqeyso, gaar ahaan habka kaydinta iyo maaraynta cuntada. Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Malco Foods, iyagoo uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen Wasaaradda ka go’naanshiyaha wadashaqeynta Wasaaradda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Malco ayaa in mudo ah ka shaqeyneeysay ilaalinta tayada iyo kaydka cuntada.

Intii uu socday kormeerka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray doorka muhiimka ah ee xaruntu ka qaadan karto xasilinta sugnaanta cuntada iyo wax soosaarka dalka. Wasiirka Maareeye ayaa xusay in iskaashi dhow loo baahanyahay si loo horumariyo nidaamka keydka cuntada, halka Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada uu carabka ku adkeyay muhiimada ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo la jaanqaadka isbeddelka cimilada.

Ugu dambeyn, booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku doonayso in la xoojiyo sugnaanta cuntada iyo horumarinta wax soosaarka gudaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...