Madaxweyne Xasan Sheekh’’ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad’’

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta

Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahau xoojinta doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda,.

“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...