Madaxweynaha JFS oo xoojiyey baaqa Golaha Wasiirrada ee Dagaalka ka dhanka ah Daacish

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii xoojiyay baaqa Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay dardargeliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. Waxa uu xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka adkaanayaan argagixisada isa soo baheysatay, islamarkaana ay ka xoreynayaan taako kasta oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka ah ay ka go’an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada caalamiga, iyadoo la xoojinayo awoodda ciidanka, korna loo qaadayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada ku dhaawacmay xoreynta deegaannada lagu baacsanayo argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...