Wasiirka Shaqada XFS oo daah furay shirka 4aad ee Kooxda farsamada ee Socdaalka Shaqaalaha

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray shirka 4-aad ee Kooxda Farsamada ee Socdaalka Shaqaalaha (Technical Working Group on Labour Migration), kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qayb galeen hay’adaha dowliga ah iyo daneeyeyaasha la shaqeeya wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista horumarka laga sameeyay arrimaha socdaalka shaqaalaha, ka gudbidda caqabadaha jira, iyo dejinta istiraatiijiyado lagu dhisayo siyaasado waara oo kor u qaada xuquuqda iyo fursadaha shaqaalaha Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la sameeyo nidaam hufan oo lagu maareeyo socdaalka shaqaalaha, si loo xaqiijiyo in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuq dhowran iyo fursado shaqo oo caddaalad ku dhisan.

“Socdaalka shaqaalaha waa fursad muhiim ah oo loo baahan yahay in si habsami leh loo hago, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha, loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, loona abuuro jawi shaqo oo waara. Waa lagama maarmaan in la xoojiyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo daneeyeyaasha si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo,” ayuu yiri Wasiir Yusuf Maxamed Aadan.

Shirka ayaa intii uu socdoy lagu falanqeeyay xalka dhibaatooyinka haysta shaqaalaha socdaalka ah, iyada oo la dejin doono talooyin lagu hormarinayo nidaamka socdaalka shaqaalaha ee Soomaaliya, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo dadaallada dowladdu ay ugu jirto horumarinta fursadaha shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...