Wasiirka Shaqada XFS oo daah furay shirka 4aad ee Kooxda farsamada ee Socdaalka Shaqaalaha

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray shirka 4-aad ee Kooxda Farsamada ee Socdaalka Shaqaalaha (Technical Working Group on Labour Migration), kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qayb galeen hay’adaha dowliga ah iyo daneeyeyaasha la shaqeeya wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista horumarka laga sameeyay arrimaha socdaalka shaqaalaha, ka gudbidda caqabadaha jira, iyo dejinta istiraatiijiyado lagu dhisayo siyaasado waara oo kor u qaada xuquuqda iyo fursadaha shaqaalaha Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la sameeyo nidaam hufan oo lagu maareeyo socdaalka shaqaalaha, si loo xaqiijiyo in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuq dhowran iyo fursado shaqo oo caddaalad ku dhisan.

“Socdaalka shaqaalaha waa fursad muhiim ah oo loo baahan yahay in si habsami leh loo hago, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha, loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, loona abuuro jawi shaqo oo waara. Waa lagama maarmaan in la xoojiyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo daneeyeyaasha si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo,” ayuu yiri Wasiir Yusuf Maxamed Aadan.

Shirka ayaa intii uu socdoy lagu falanqeeyay xalka dhibaatooyinka haysta shaqaalaha socdaalka ah, iyada oo la dejin doono talooyin lagu hormarinayo nidaamka socdaalka shaqaalaha ee Soomaaliya, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo dadaallada dowladdu ay ugu jirto horumarinta fursadaha shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...