Wasiir Hawlaha Guud oo Kulanka la qaatay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo Wasiir ku xigeenka Maxamed Cali Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ku qaabilay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya, Zefar Esk.

Kulanka labada dhinac ayaa ahaa isbarasho iyo ka wada hadal sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhismaha kaabayaal dhaqaalaha dalka, kor u qaadista aqoonta Injineerada Soomaaliyeed, iyo sidii loo horumarin lahaa shaybaarka hubinta tayada dhismaha ee Wasaaradda. Waxa lagu soo bandhigay qorshayaal cusub oo ku saabsan horumarinta kaabayaal dhaqaale iyo in la dhiirrigeliyo tababarka iyo xirfadaha farsamo ee loo baahan yahay si loo xoojiyo tayada dhismaha dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorsheyaal mustaqbalka ah oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac si loo hirgeliyo mashaariic waaweyn oo wax ku ool ah, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dalka Soomaaliya. Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa muujisay diyaar garowgeeda ku aaddan sidii ay ugu sii dardargelin lahayd howlaha dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, iyadoo ay TIKA kaalin muuqata ka qaadaneyso taageerada iyo horumarinta arrimahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...