Madaxweynahe Xasan Sheekh oo kulan dhiirragalin ah la qaatay Asad Xaajiyow

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow, ayaa ku dhiirri geliyey go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeellada ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed.

“Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo. Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horomurka dalkiisa iyo dadkiisa”.

Munaasabadda kaddib, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed, taas oo ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...