Taliska Booliska oo soo saaray awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda

Date:

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa bulshada la wadaagay awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda oo Taliska Booliska Soomaaliyeed uu soo saaray.

Afhayeenka ayaa sheegay in la farayo Ganacsatada,Shirkadaha aan Dowliga ahayn, Shirkadaha iyo Shaqaalaha ajaanibt in ay qaataan Warqadda dambi la’aanta ee waaxda dambiyada u qaabilsan ee C.I.D.

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in xogaha la helay ay muujinayaan in Argagixisada lacago ay dhexmarayaan Ganacsatada si looga hortagana loo qaaday tallaabadaan oo dhaqangali doonto

amarkaan ayuu sheegay in uu billaaban doonno 10ka Febaraayo 2025,waxa una sheegay in cidii u hoggaansami weyso awaamiirta ciidanka amniga lala xisaabtami doonno.

“Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi la’aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha &Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisad”ayuu yiri Afhayeenka Boliiska

Boliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale Hay’adaha caalamiga, kuwa maxaliga ah kaga digay in aysan la macaamili karin shirkad aan wadanin warqada dambi la’aanta.

Gaashaanle Cabdifitax ayaa sheegay in diiwaangelintaan laga doonayo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ururrada aan faa’iido doonka ahayn, Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa dhismaha, Hoteellada, Duullimaadka, Caafimaadka, guryaha kireeya & kuwo kale.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...