Gudoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Barakacayaasha

Date:

Gudoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo uu wehliyo Wakiila Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa manta Muqdisho ka daah-furay Shirweyne looga hadlayo sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.

Sidoo kole Madasha waxaa goobjoog ka ahaa hayโ€™adaha kala duwan ee dowladda iyo wakiilo ka socday Urur Goboleedka IGAD, sigaar ah waxaa shirka diirada lagu saaray sidii looga taageeri lahaa dhanka shaqo abuurka iyo nolal maalmeedka dadka barakacyaasha ah.

Gudoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka mudane Axmed Xuseen Cilmi oo daah furay madasha ayaa xusay in shirka ay kasoo bixi doonaan qodobo dhaxal-gal u noqon doona qaxootiga, barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay, iyada oo diiradda lasaari doono Kobcinta xirfadaha iyo shaqo abuurka dadka nugul.

Mohamed Kaarshe oo ah wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa carabaabay in IGAD ay ka goโ€™an tahay sidii dowladda Soomaaliyeed loogu garab siin lahaa shaqo abuurka, isaga oo Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ku ammaanay sida ay ahmiyad weyn u siiyeen dhinacyada Xalalka waara ee Barakacyaasha.

Hadafka guud ee shirkaan ayaa daarnaa sidii loo xoojin lahaa wacyi galinta, dib u eegista balanqaadyadii horay loo sameeyay, taageerada dowladda Soomaaliyeed siinayso shaqo abuurka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hayโ€™adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka shaqeenaya xalalka waara Barakacyaasha, Qaxootiga, Barakacayaasha, soo laabtayaasha iyo bulshada martida loo yahay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqasho ugu tagay Madaxweynaha Galmudug

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...