𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐥𝐚 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚 𝐥𝐚-𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚

Date:

Muqdisho.(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in hirgelinta Hoteelka iyo Moolka casriga ah ee uu maanta dhagax-dhigay uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana la gaaray waqtigii dalkeenna la maalgashan lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in mashruucan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku fooggan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uuna xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP) ay kamid yihiin hirgalinta maalgashiga, fududeynta howlaha ganacsiga, iyada oo dowladdu sameysay Shuruucdii loo mari lahaa horumarinta dhinacyda faa’iiddada u leh dalka iyo dadka.

“Waxaa farxad ii ah in aaan maanta joogno dhagax-dhigga mashruuc weyn oo muhiimad gaar ah u leh bulshada, gaar ahaan horumarinta dhaqaale, shaqo abuurka iyo bilic soo celinta caasimadda, lana jaanqaadaya suuqyada adduunka, tan oo ah tallaabo wax-ku ool ah in shirkadaha caalamiga ah ay maalgashi ku sameeyaan dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey doorka ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo maalgashiyada kala duwan ee dalkeenna u horseedaya horumarka, isaga oo dhiirigeliyey in laga faa’iideysto fursadaha maalgashi ee dalkeena ka jira, kuwaas oo horseedyada in dalku uu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...