Wasaaradda Maaliyadda oo sheegtay in laga dhaafay Cashuuraha Adeegyada Caafimaadka  

Date:

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in laga dhaafay cashuuraha iibka adeegyada caafimaadka ee laga bixiyo cusbitaalada iyo rugaha caafimaadka ee dalka. Go’aankan ayaa ka dambeeyay shirar kala duwan oo muddo socday oo ay yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo ururada dhaqaatiirta iyo cusbitaalada dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo sidoo kale ah ku-simaha Wasiirka Maaliyadda, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamadii ay la yeesheen dhaqaatiirta iyo ururada caafimaadka, isagoo tilmaamay in is-afgarad buuxa laga gaarey hannaanka cashuuraha iyo habraaca looga baahan yahay cusbitaalada.

Dhaqaatiirta iyo ururada caafimaadka ayaa xaqiijiyay wada-shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda, iyagoo ku tilmaamay in tallaabadan ay muhiim u tahay horumarka iyo adeegga caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan...