Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Qaabilay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Talyaaniga 

Date:

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta qaabbilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Carabinieri ee dowladda Talyaaniga, oo uu hoggaaminayo Colonel Fabio Coppolino.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo sidoo kale looga hadlay taageerada Talyaaniga ee tababarrada, farsamada, iyo agabka ciidanka boliiska Soomaaliyeed. Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay booqashada wafdigan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga.

Colonel Fabio Coppolino, hoggaamiyaha wafdiga ka socda Talyaaniga, ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada Talyaaniga ee Soomaaliya, iyagoo diiradda saaraya tababarka iyo qalabaynta ciidanka boliiska, si loo xoojiyo amniga gudaha ee dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa qorshayaasha iskaashiga ee mustaqbalka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada amniga ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...