Agaasimaha HSJ XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM)

Date:

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel M. Pereira, iyo Ku-xigeenkiisa Ptestage Murima.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood ee dhinacyada socdaalka, iyo sidii loo dardargelin lahaa barnaamijyada lagu horumarinayo kaabayaasha adeeg bixinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, si bulshadda Soomaaliyeed uga faa’iideysato.

Agaasimaha Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa Hay’adda IOM iyo hay’adaha bahwadaagta la ah ugu mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta Hay’adda Socdaalka iyo kobcinta awoodda shaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...