Xamaas iyo Israa’iil oo maxaabiis isdhaafsaday

Date:

Saddex kamid ah maxaabiis Israa’iiliyiin ah ayaa laga sii daayay Gaza, iyadoo lagu wareejiyay ciidamada Israa’iill, taasi oo ah wajiga ugu horeeyay ee xabbad-joojin Ururka Xamaas iyo Israel ay dhawaan gaareen labada dhinac.

Maxaabiistan la siidaayay ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, kuwaas oo gacanta Xamaas galay 7-dii October 2023, kadib weerarkii loogu magacdaray Duufaanul Aqsaa ee ay kaa qaadeen Ururka Xamaas.

Muuqaallo ay baahisay Aljazeera ayaa laga arkayay muuqaalkii ugu horeeyay isdhaafsiga la heystayaasha labada dhinac, kuwaas oo isla xalay gaaray dhulka ay haystato Israel ee Falastiin, waxaana ka muuqatay wajiyadooda farxad muujineysa helidda xorriyadooda.

Dhanka kale Xukuumadda Israa’iil ayaa uun saacado kadib siideynta Xamaas, waxay iyana dhankooda ka siidaayeen maxaabiista Falastiiniyiinta ah, kuwaa oo gaaraya ilaa 90 qof oo muddo ku jiray jeelalka Israa’iil.

Xabbad-joojin ka dhaqan-gashay Gaza ayaa bilaabatay Axaddii ka dib markii labada dhinac ee kala ah Xamaas iyo Xukuumadda Israa’iil ansixiyeen heshiiska labada dhinac, waxaana heshiiska dhanka Israa’iil diiday 3 wasiir oo kali ah taas oo aan hor istaagi karin fulintiisa.

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Xamaas iyo Israa’iil , kaas oo ay dhex dhexaadiyeen Qatar, Masar iyo Mareykanka.

Wareegga labaad ee sii deynta maxaabiista ayaa lagu wadaa in uu dhaco Sabtida soo socoto, markaas oo la filayo in la sii daayo 33 ka mid ah la maxaabiista Israa’iil, , halka Israa’iil ’il ay xabsiyadeeda kasii deyn doonto ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah. Wajiga koowaad ee xabbad joojinta ayaana socon doono muddo 42 maalin ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...