Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo bogaadiyay kororka miisaaniyadda ee sanadkii lasoo dhaafay

Date:

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa bogaadiyay kororka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa una xusay in labadii sano lasoo dhaafay uu xafiiska Hantidhowrka uu door firfircoon ka qaatay kororkaas muuqda islamarkaana ay jirtay isla xisaabtanka iyo dabagalka ay sal u ahaayeen in dakhliga dowladda soo gala si toos ah loogu xareeyo meelaha ku habboon,

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale,oo ka hadlayay Munaasabadii daahfurka miisaaniyadda ee 2025 ayaa dhiirrageliyay tallaabooyinka cusub ee la qaadayo,isagoo sheegay in adeegyada lagu sameeyay fatashka ama dabagalka laga arki karo natiijada kasoo baxday dabagalkaas, kororka dakhliga iyo howshii ka socotay xafiisyadaas ama hay’adahaas.

“Dakhliga gudaha in uu isbaddelay ma ahayn wax iska dhacay ee waa wax ku yimid dedaal la sameeyay, sidii loo tallaabsaday 2024 ayaa la rabaa in 2025 loosoo kordhiyo”ayuu yiri Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha guud JFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...