Taliyaha Ciidanka Boliiska oo sagootiyey Ciidamo Tababar kusoo qadanayo Masar

Date:

Ku Simaha Taliyaha ahna Taliye ku-xigeenka  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif), ayaa sagootiyey ciidamo tababar layli sarkaalnimo ku soo qaadanaya dalka Masar.

Tababarka iyo Qorsheynta Hogaanka Tababarada iyo Qorsheynta,ayaa si fiican u qabanqaabiyey safarka ciidanka, waxaana Taliyaha uu ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha iyo fursadaha tababarka ee ciidamadu heli doonaan.

Sarreeye Guuto Kaniif,ayaa ciidamadu kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan tababarka si ay u kororsadaan aqoontooda iyo xirfadaha sarkaalnimo, taasoo ka caawin doonta hagaajinta iyo xoojinta amniga dalka.

Taliyaha ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ciidamadu ay helayaan tababarro caalami ah, isagoo sheegay in tababarkani uu kordhin doono awoodda ciidanka ee dhinacyada hogaaminta,

amniga, iyo howlaha sarkaalnimo. Sidoo kale, wuxuu xusay in ciidamada ay dadaal weyn u sameeyaan si ay ka faa’ideystaan fursaddan iyo aqoon kororsiga ay helayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...