Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya ee Switzerland, Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Madaxweynaha Dalka Switzerland, Marwo Karin Keller-Sutter, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoontay Safiirka Soomaaliya u fadhisa dalka Switzerland, Qaramadda Midoobay, iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Geneva, Danjire Khadra Axmed Ducaale.

Madaxweynaha Switzerland ayaa soo dhaweeyay Danjire Khadra, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Switzerland iyo Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo diplomaasiyadda, iskaashiga dhaqaalaha, iyo arrimaha amnigaee gobolka.Danjire Khadra ayaa sidoo kale ka warbixisay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka socda ee dhinacyada siyaasadda, 6dimoqraadiyadda, iyo diplomaasiyadda.

Switzerland iyo Soomaaliya ayaa horey uga wada shaqeeyay arrimo badan oo ay ka mid yihiin caawinta bini’aadamnimada, horumarinta iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah. Danjire Khadra ayaa sidoo kale tilmaamtay in xiriirka labada dal uu sii xoojin doono, gaar ahaan Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo gaari lahaa horumar waara iyo xasillooni gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...