Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah oo ku sugan ceelka Daboole, duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo uu saameeyay abaarta La Nina.
Qoysaskan ayaa ka kooban danyar agoonta iyo dad kale oo wajahaya dhibaatooyinka abaarta ee ka jirta dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Gargaarka La Gaarsiiyay Qoysaska Qoysaskii gargaarkan la gaarsiiyay ayaa u mahadnaqay Hayโadda SoDMA, iyagoo sheegay in gargaarka raashinka ee loo keenay uu yimid xilli ay baahi baโan u qabeen, islamarkaana ay daalaa-dhacayeen sidii ay u heli lahaayeen cunto iyo biyaha lagama maarmaanka u ah nolosha. Qaar ka mid ah qoysaskaas ayaa sheegay in abaarta La Nina ay si weyn u saameysay noloshooda, iyagoo ku tilmaamay gargaarka xilli muhiim ah oo ay aad ugu baahnaayeen.
Hayโadda SoDMA,ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlo raashiin qaybin ah ka waday degaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka, iyadooย mudnaanta siinaysa goobaha ay ku dhufteen abaaraha iyo daadadka, sidoo kale degaannada laga xoreeyay khawaarijta.
Abaarta La Nina ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka ee ku nool gobollada qaar, gaar ahaan degaannada ku teedsan bari iyo koonfurta Soomaaliya. Qoysas badan, ayaa ku waayay xoolo, beeraha ayaa ku gubtay, waxaana inta badan dadkaasi ay wajahayaan macluul iyo biyo laโaan.
Hayโadda SoDMA ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa sidii loo xoojin lahaa gargaarka deg-degga ah, iyadoo qorsheynaysa in la kordhiyo gargaarka raashinka iyo biyaha ee loogu talagalay qoysaska ay abaartu saameysay. Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in gargaarkaasi uu ka caawin doono dadka inay ka baxaan xaaladaha adag ee ay ku jiraan, iyo inay helaan fursado cusub oo ku aaddan badbaadinta noloshooda.