Danjiraha cusub ee dalka Hindiya oo si rasmi ah ula wareegay Xilka

Date:

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, ayaa waxaa xilka si rasmi ah loogu wareejiyay Danjiraha cusub ee Safaaradda, Mudane Dr. Cabdullahi Maxamed Odowaa.

Siihayahii Safaaradda Mudane Cabdifitaax Cabdullahi Nuur oo xilka ku wareejiyay Safiirka cusub, ayaa marka hore warbixin ka siiyay diblomaasiyiinta shaqaalaha gudaha iyo howlaha kala duwan ay qabteen muddadi uu Siihayaha ahaa iyo hawlaha hadda horyaalla Safiirka cusub.

Safiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta in ay si dhaw ula shaqeeyaan Safiirka Safaaradda sida ay horey ugu wada shaqeeyeen muddada uu siihayaha ahaa.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Dr. Cabdullahi Maxamed Odowaa, ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Siihayihii Safaaradda muddada shaqada soo waday ee maanta ku soo gunaanuday munaasabadaan Quruxda badan iyo sidoo kale diblomaasiyiinta kale Safaaradda.

Ugu dambeyn Safiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan diblomaasiyiinta in ay halkooda shaqada kasii wadaan, maadaama halkan loowada joogo in loogu adeego qaranka Sooomaaliyeed, isla markaana ay si wadajir ah hawlgalka Safaaradda iyo xiriirka labada dal uga shaqeyn doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...