Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo soo dhaweysay guulaha ay gaartay DFS

Date:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain, ayaa si weyn u taageertay guulaha ballaaran ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.

Cumar Xasan Cali oo ka mid ah hormuudka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay bogaadinayaan ka jaaliyad ahaan guulaha taariikhiga ah ee ay dowladdu gaartay.

Guulahaas oo ay ka mid yihiin doorashada qof iyo codka ee laga qabanayo dalka, ka qaadista cuna qabatayta hubka, ku biiristii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha deyn cafinta ayuu sheegay in ay aad u bogaadinayaan taariikhdana ay geli doonto.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaadan doonaan doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in ay dhowaan dalka ka qabsoonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...