Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo soo dhaweysay guulaha ay gaartay DFS

Date:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain, ayaa si weyn u taageertay guulaha ballaaran ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.

Cumar Xasan Cali oo ka mid ah hormuudka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay bogaadinayaan ka jaaliyad ahaan guulaha taariikhiga ah ee ay dowladdu gaartay.

Guulahaas oo ay ka mid yihiin doorashada qof iyo codka ee laga qabanayo dalka, ka qaadista cuna qabatayta hubka, ku biiristii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha deyn cafinta ayuu sheegay in ay aad u bogaadinayaan taariikhdana ay geli doonto.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaadan doonaan doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in ay dhowaan dalka ka qabsoonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...