๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ฅ-๐ˆ๐Ÿ๐ญ๐š๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐š๐ญ๐ฐ๐š๐๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul-Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaaโ€™isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

โ€œMashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul-Iftaa, waxaana rajeynayaa in uu mashruucani noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeedโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliyaย 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...