Shirkadda Rotana oo ku dhawaaqday in ay Hotel Caalami ah ka dhiseyso Muqdisho 

Date:

Maamulka Shirkadda Rotana oo ah shirkad maamusha hoteello badan oo ku yaalla dunida ayaa ku dhawaaqday dhismaha Hotelkii u horreyay oo Five Star ah oo laga hirgallinaayo Magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta Amb Xuseen Cabdi Xalane iyo Mas’uuliyiinta ayaa goobjoogayaal ka ahaa saxiixa heshiiskaasi oo dhexmaray Maamulaha Premier Bank Jabriil Hassan Mohamed iyo madaxda shirkaddaasi.

Mashruuca lagu dhisayo Hotelka Rotana iyo adeegyada kale ee casriga ah ee uu yeelanayo Mashruuca Gateway Complex ayaa noqon doona mid taariikhi ah oo daabooli doona baahida kala duwan ee dhanka ganacsiga iyo adeegyo bulsho sida hoolalka shirarka,cisbitaal,dugsi,qolal la jiifto iyo mool.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Muqdisho ka daahfurtay Mashruuca Gateway Complex, kaas oo muhiim u ah dowlad dhiska casriga ah ee Soomaaliya.

Shirkadda Rotana Hotel Management Corporation PJSC waa shirkad maamusha huteello badan oo ku yaal qaar kamid ah dalalka  Bariga Dhexe,kuwa Balkanska, Afrika, iyo Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...