Wasiirka Caafimaadka XFS oo furay Shir-Cilmiyeedka Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Adam, ayaa si rasmi ah u daah-furay Shir-Cilmiyeedka 1-aad ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta caafimaadka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Muhiimadda cilmi-baarista caafimaadka, gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee bulshada, Kobcinta awoodda shaqaalaha caafimaadka, Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo horumarinta daryeelka la xiriira.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda shirkan uu u leeyahay kor u qaadidda iskaashiga iyo wada shaqaynta dhakhaatiirta iyo hay’adaha caafimaadka ee dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in shirka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo xallinta caqabadaha jira.

Munaasabadda ayaa isu keentay dhakhaatiir iyo khubaro caafimaad oo kala duwan kuwaasi oo iskugu yimid si ay u wadaagaan fikrado iyo xalal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...