Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii saaka ka dhacay Hotel Agan

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii saakay ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo ee ay geysteen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo goor-dhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa falkaasi ku tilmaamey mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah ee deegaanada Jubaland.

Wasiirka Amniga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday Weerarka uu geystay Madaxweynaha Wakhtigiisa dhamaaday ee Axmed Madoobe,wasiirka ayaa sidoo kale Weerarkan ku tilmaamay mid Argagixiso” marka koowaad waxaan u tacsiyeynayaa dadkii ku naf waayay falkii Argagixisada ahaa ee uu saaka Weerarka ku qaaday Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Axmed Madoobe dadkii deganaa Hotel Agan ee magaalada Kismaanyo,weerarkaas wuxuu ahaa mid arxan darro ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...