Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Date:

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa ansixiyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka ka hor akhriyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan iyo soohdimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana dib u eegis ku sameeyay guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ansixiyay Hindise xeereedka dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo soohdimaha, waxaana ogolaatay 173 Mudane, wax diiday ama ka aamusay majirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in toos loo gada-galay dhameystirka howlaha haray ee ansixinta xubnaha iyo xeerarka xisbiyadda Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishan horaanteedii labada gole ee Baarlamaanka ka codsaday inay bil ku darsadaan kalfadhigan si loo meelmariyo xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka Qaranka si shacabka Soomaaliyeed u soo doortaan madaxdooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...