Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka qeybgalay shirka Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika 

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qayb galay shirka 18-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Dowladaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay khudbad uu dhinacyo kala duwan uga hadlay, ayaa ugu horrayn ka warramay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afirka, iyo kaalinta ay ka gaysan karto horumarka dhinaca dhaqaalaha, iskaashiga Ganacsiga, Nabadda iyo horumarinta Bulshada.

Sidoo kale guddoomiyuhu, wuxuu xusay in Ururkan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha Afrika ayna ku dhiiri galinayso in Afrika oo idil ay iskaashato, islamarkaana ay samaysato midow ay ku midaysan yihiin dowladahaas, taas oo faa’iido wayn u ah dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo in ay iska kaashadaan soo saarka khayraadka dihan ee dhaxyaal dhulka Afrika

Shirka waxaa kaloo ka qayb galay Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo ka qayb galay shirka Xoghayayaasha Guud ee Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...