Wasiirka Qorsheynta oo furay shirka Wadatashiga Qorshaha ee Isbeddelka Qaran 2025-2029

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah furay shirka wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029) ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Shirka, oo socon doona afar maalmood, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin isugu jirtay Wasiiro, Agaasimayaal Guud oo ka tirsan Galmudug iyo maamulada magaalooyinka waaweyn ee kala ah: Dhuusamareeb, Cadaado, Caabud-Waaq iyoGaalkacyo ee Dowladda Galmudug.

Wadatashiga waxaa diiradda lagu saarayaa afar tiir oo muhiim ah oo kala ah: Maamul-wanaagga, Horumarinta Dhaqaalaha, Bulshada iyo Karaanka Aadanaha, iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Ujeeddadu waxay tahay in la falanqeeyo fursadaha iyo caqabadaha ka jira Galmudug, lagana doodo xalalka iyo qorshayaasha shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Maxamed Cali Cantoobo, oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay baahida loo qabo qorshe cad iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah, si loo gaaro horumar waara. Natiijooyinka shirka ayaa gacan ka geysan doona diyaarinta khariidad cad oo Galmudug ku horumarinaysa shanta sano ee soo socota.

Shirkan wuxuu bilow u yahay wadatashiyo kale oo lagu qaban doono dowlad goboleedyada kale, iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...