๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐›๐ซ๐š๐š๐œ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‹๐š๐ฒ๐ฅ๐ข ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐( ๐ข๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ฉ).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya HE Dr. Ali Haji Adam ayaa shir guddoomiyey Kulan muhiim ah oo dhexmaray hogaanka kulliyadaha Culuumta Caafimaadka iyo Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka oo ahaa mid muhim ah ayaa diiradda lagu saaray soo dhaweynta iyo horumarinta Barnaamijka Layliga Caafimaadka ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda Caafimaadka, si loo hubiyo tayada iyo waxtarka barnaamijkan.

Kulanka waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa Layliga Caafimaadka ee Ardayda dhameysatay waxbarashada Caafimaadka, iyada oo la xaqiijinayo in tayada barnaamijkan la waafajiyo heerarka caalamiga ah, waxaana lagu heshiiyay in la taageero oo la horumariyo barnaamijka Layliga, si Ardaydu u helaan tababar tayo leh oo dhammaystiran, sidoo kalena waxaa lagu balamay in wada tashiyada la joogteeyo si loo hubiyo in barnaamijku ku socdo sidii loogu talagalay, isla markaana la xalliyo caqabadaha jira.

Gabagabadii, kulankan ayaa kusoo idlaaday luul, iyada oo la isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Jaamacadaha iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana la isla qaatay in shirarka noocan oo kale ah la badiyo si loo sii wado horumarinta iyo tayeynta adeegyada Caafimaadka ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Raโ€™iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...