Xildhibaan Maxamed Jaamac oo loo doortay guddoomiyaha Guddiga arrimaha Dibadda BJFS 

Date:

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka uu ku dooranayay guddoomiyaha cusub ee guddiga.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxaa xilka guddoomiyaha guddiga ku tartamayay laba musharax oo kala ah Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle iyo Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Xubnaha guddiga ayaa Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo doorashada ka dib hadlay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga ,isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyeen.

Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka ayaa waxaa goob joog ahaa habdhowre kuxigeenada golaha, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Guddiyada golaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...