Afhayeenka Gobolka Banaadir oo soo badhigay Xogta Dad farabadan oo laga helay Cudurada Faafa

Date:

Maamulka Gobolka bBenaadir o ka duulaya badqabka iyo Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed ayaa bilaabay tariikhda markii ay aheyd 25/1/2024, Dib u nidaaminta adeega Fayadhowrka Guud.

Waxaa baris iyo hubin lagu sameeyay dhammaan goobaha loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed, hoolwadeenada u adeega bulshada Caafimaadkood si loo hubiyo badqabkooda,Waxaa lagu sameeyay baaritaano Caafimaad Sida Shaqalaha Hotelada, Shaqalaha Maqaayadaha ku yaalo Makah Almukaramah, Shqalaha Farmashiiyayaasha, shaqaalaha Bukiyeerada, Shaqaalaha Dukaamada.

Hay’addii hubinta iyo faayodhowrka u xilsaarnaa ee dowladda hoose ee Xamar inay ku guuleestaan inay helaan ama qabteen dad Qabay cudurada faafa sida Cudurka ee (HIV aids) iyo Cudurka (Hepatitis B iyo C ) Cagaarshowga waxaa qabay oo laga helay baaris ka dib B iyo C 300 qof oo iskugu jira Soomaali iyo Ajanabi ,Halka laga helay 35 qof HIV kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 4 qof oo shaqaale ajanibi ah.Waxaana la geeyay goibaha caafimaadka si ay u qataan dawooyinka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaa shanaayo Hay’addaha ammaanka, Garsoorka, Socdaalka, ayaa ku guuleesteen inay dib ugu celiyaan dalalkii ay kasoo jeedeen Afar shaqaale oo qaba HIV oo ku shaqaynayay Xirfadaha kala ah Cunno kariye, Dhaqtarnimo, iyo Goobaha leesku qurxiyo.

1′ Dhammaan goobaha Bulshada loogu adeego waxaa waajib ku ah inay heestaa Ruqsada Caafimaadka faayadhowrka ee goobta.

2′ Dhammaan shaqaalaha ka shaqeeyo goobahaas waa inay heestaan kaarka Caafimaad Qabka.

3′ Shaqalaha ajaanibta ah waa inay heestaan Kaarka Caafimaad faayadhowrka.

4′ Dhammaan goobaha lagu kaydiyo badeecadaha waa inay heestaan,Caddaynta badqabka Raashinka iyo daawooyinka.

5′ Milkiilayaasha waxaa la farayaa inaysan shaqo galin karin qofka aan ku guulaysan helista warqada caafimaad qabka.

6′ Ciddii ku xad-gudta nidaamka faayadhowrka waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...