Guddiga horumarinta adeegga bulshada ee BJFS oo kulan su’aalo weydiin ah la qaatay guddiga Qaran ee

Date:

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa kulan su’aalo weydiin ah kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka dowladda oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta kale ee guddiga.

Kulanka oo ay shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa ugu horeyn guddoomiyaha guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxa uu xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha guddiga ,xaaladda shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo qorshayaasha guddiga u degsan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa mas’uuliyiinta guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda su’aalo ka weydiiyay shaqada guddiga iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda,waxaana xubnaha guddiga oo uu guddoomiyaha ugu horeeyo ka jawaabayeen su’aalaha uu guddiga weydiinayay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay mas’uuliyiinta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...