Madaxweyne Xasan Sheekh: Dalkaan waxa ka dhici doona Doorasho qof iyo Cod ah

Date:

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay hanaanka doorasho ee dalka ayaa sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan..

Madaxweyne Xasan“Dalka waxaa ka dhici doona doorasho qof iyo cod ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa wax dooranaya, taasi waa mabda’a, Soomaaliya ma xukumi doono qof aan shacabka dooran”.

Madaxweyne Xasan ayaa markale yiri“Horaan u sheegay nin xoog badan dalkan kama talin karo, sharci xoog badan baa ka talin karo, shuruucda aan hagaajinno oo aan ku kolsoonaano”.

Madaxweynaha ayaa Sidoo kale ka hadlay dhaqaalaha dalka isagoo sheegay in ku dhawaad ​​100% uu kordhay, taasina ay cadeyn u tahay mashaariicda ka socota guud ahaan gobolada dalka.

“Dalkeenu waxa uu maanta joogaa meel ka wanaagsan halkii uu shalay taagnaa, mar walba markii ka dambeysii waa uu sii sodcay, waxayna maanta maraysa in maalgeshi loo yimaado Soomaaliya”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhawaan dalka laga hirgelin doono mashaariic waaweyn; taasoo ku timid kalsoonida caalamku ku qabo haykalka maaliyadeed ee dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...