Golaha Aqalka Sare oo dood ka yeeshay wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare 

Date:

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 7-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa ka doodista wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, cutubka koowaad illaa cutubka saddexaad, iyadoo xubnaha Sanatarrada ee kulanka soo xaadiray qaarkood ay ka dhiibteen aragtidooda ku aaddan dib u eegista wax ka beddelka Cutubyada kor ku xusan ee Xeer-hoosaadka Golaha.

Guddoomiye Shacbaan oo kulanka soo xiray, ayaa ku ammaanay Sanatarrada sida wanaagsan ee ay aragtidooda ugu biiriyeen wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, wuxuuna sheegay in ay sii socon doonta doodda wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha maalmaha soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...