Golaha Aqalka Sare oo dood ka yeeshay wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare 

Date:

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 7-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa ka doodista wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, cutubka koowaad illaa cutubka saddexaad, iyadoo xubnaha Sanatarrada ee kulanka soo xaadiray qaarkood ay ka dhiibteen aragtidooda ku aaddan dib u eegista wax ka beddelka Cutubyada kor ku xusan ee Xeer-hoosaadka Golaha.

Guddoomiye Shacbaan oo kulanka soo xiray, ayaa ku ammaanay Sanatarrada sida wanaagsan ee ay aragtidooda ugu biiriyeen wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, wuxuuna sheegay in ay sii socon doonta doodda wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha maalmaha soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...