Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxa Bangiga Ziraat Faraca Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay mudane Zafer Sazgin, maareeyaha Bagiga Ziraat faraca Soomaaliya.

Wasiir Xasan Macallin, ayaa si diiran u soo dhaweeyay mudane Zafer, isaga oo bogaadiyay dadaalka bangiga ee ku aaddan shaqada ay ka wadaan Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, waxaa laga wadahadlay baahida sharci iyo xeer ee ganacsiga iyo maalgelinta caalamiga ahi u baahan yihiin si ay uga shaqeeyaan dalka, iyo sidii ganacsiga Soomaaliya loogu furi lahaa suuqa adduunka.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa u ballanqaaday in bangiyada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah ay heli doonaan xayndaab sharci oo dhiirigeliya, si ay si nabadgelyo leh ugu shaqeeyaan ugana faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...