Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxa Bangiga Ziraat Faraca Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay mudane Zafer Sazgin, maareeyaha Bagiga Ziraat faraca Soomaaliya.

Wasiir Xasan Macallin, ayaa si diiran u soo dhaweeyay mudane Zafer, isaga oo bogaadiyay dadaalka bangiga ee ku aaddan shaqada ay ka wadaan Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, waxaa laga wadahadlay baahida sharci iyo xeer ee ganacsiga iyo maalgelinta caalamiga ahi u baahan yihiin si ay uga shaqeeyaan dalka, iyo sidii ganacsiga Soomaaliya loogu furi lahaa suuqa adduunka.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa u ballanqaaday in bangiyada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah ay heli doonaan xayndaab sharci oo dhiirigeliya, si ay si nabadgelyo leh ugu shaqeeyaan ugana faa’iidaystaan fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...