GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO CAMBAAREEYAY WEERARKII KHAWAARIIJTA KU QAADAY XEEBTA

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareeyay weerarkii Khawaariijta xalay ku qaaday shacab dhalinyaro u badnaa oo ku fiidsanayay xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa ehelada, qoysaska iyo asxaabta dadkii ay waxyeelada soo gaartay, dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan alle SWT uga baryayaa inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in wixii xalay ka dhacay xeebta Liido ay tusaale u tahay heerka ay gaarsiisantahay cadowtinimada ay khawaariijta u qabaan umadda Soomaaliyeed, wadada keliya ee inoo furanna ay tahay in meel looga soo wada jeesto, sidoo kalena ciidamadda Qaranka lagu garabsiiyo dagaalka Khawaariijta dalka looga ciribtirayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in midnimo iyo wadajir lagu wajaho dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaariijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...