Wasiirka Teknoolojiyadda XFS oo booqday xarunta Maamulka Xogta Shiinaha

Date:

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo u joogo Magaalada Beijing ee Caasimadda Wadanka Shiinaha ayaa booqday Xarunta Maamulka Xogta ee Dowladda Shiinaha, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Xarunta oo Wasiirka warbixin ka siiyey adeegyada ay bixiso iyo kaalinta ay ugu jirto Dowladda Shiinaha.

Xaruntan oo ah tan ugu weyn Shiinaha ayaa waxa ay ka shaqeesaa Xogta Dawladda Shiinaha, la socota kaabayaasha dhaqaalaha ee dawladda, fulinta barnaamijka Qaranka ee elektaroonigga ah, Adeegyada Dhijitaalka, iyo Isku xirka Shabakaddaha guud ahaan Wadankaas.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya mudane Maxamed Soomaali ayaa sheegay in booqashadaan ay ka faa’iideesan doonaan si gaar ah adeegyada dawladda ee dhigitaalka, waxaana meel fiican Wasaaradda u maraayo Geedi socodka fulinta Dowladnimada Danabeeysan iyo Siyaasadda Dhijitaalka loo dhan yahay.

“Xaruntaan wax badan ayaa ka kororsanay, waxaa Sharaf ii ah in Adeegga Dhijitaalka ee danabeesan ay muhiim u tahay fududeenta shaqo maalmeedka loo qabto Bulshada”. Ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa warbixin guud ka siiyey Mas’uuliyiinta Xaruntaan Halka ay Dowladda Soomaaliya ka mareyso Barnaamijyada Dhijitaalka iyo Adeegga e-government, waxa uuna ugu Mahadceliyay sida maqaamka leh ee loo soo dhaweeyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay yeelato Sharciga Dhowrista Xogta Qaranka iyo dhismaheeda oo ay ka howlgalaan Shaqaalo u diyaarsan Ilaalinta Xogta Qaranka.

 

 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta waxa uu kulan shaqo la yeeshay Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika iyo Bariga Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Djura Likar.

Safiirka iyo Agaasimaha ayaa wada-hadalkooda waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

Kulannkan oo ahaa wada-hadal shaqo oo laba-geesood ah ayaa ku saabsanaa booqashooyin loo diyaarinayo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhawaan tegi doona magaalada Belgrade ee dalka Serbia iyo arimo ku saabsan danaha ay wadaagaan labada Dowladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi...

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...