Ra”iisulwasaaraha XFS oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha wasiirrada hoos ku xusan:

1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...