Guddoomiyaha SODMA iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo safar ugu baxay Xuddur

Date:

-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Goordhaw u ambabaxay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Ujeedka wafdigaan ayaa ku saabsan u kuur-galida xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta gobolka iyo booqashada Xerooyinka barakacyaasha, iyagoo halkaas gargaar ugu qeybin doona qoysaska barakacyaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool duleedka magaalada Xuddur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,...

Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa...