Cali Guudlaawe “Waxaan bulshada Cadalle kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan amniga”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe oo maanta la hadlay dadka ku dhaqan Degmada Cadalle,ayaa ku baaqay in laga dhowrsado fidnada,isla markaana loo istaago Deris wanaag iyo midnimo.

Madaxweynaha ayaa yiri “dalku ma hormaraayo ,dadkuna nabad kuma seexanayo haddii aan la qaban cid kasta oo dooneysa in ay danahooda ka hormariyaan danta guud.

Cali Guudlaawe ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay wax u qabashada bulshada Degmada ,isagoo dhinaca kalena dalbaday in laga dhowrsado daadinta dhiigga dadka walaalaha ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe waxa uu u mahadceliyay mas’uuliyiintii ka shaqeeyay daminta colaad dhowaan ka dhacday deegaano kulaala degmadaasi,wuxuuna si gaar ah u codsaday in dadku ay is gacanqabtaan oo ay ku wada noolaadaan walaalnimo iyo derisnimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...