Guddiga Qaran ee La-dagaallanka maalgalinta Khawaarijta oo soo saaray liiska 8 ruux oo Cunaqabateen la saaray

Date:

Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag Dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (GQKLDH/LMA), ayaa soo saaray liiska cunaqabateynta Maaliyadeed ee qaran, oo lagu beegsanayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Guddigu wuxuu ugu gol-leeyahay in uu la dagaallamo maalgelinta argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka. Aqoonsiga iyo cunaqabataynta shakhsiyaadka iyo hay’adaha xiriirka la leh Al-Shabaab, Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo isla markaana la cuna qabateeyo shakhsiyaadka & hayโ€™addaha taageera argagixisada si sare loogu qaado nabadgalyada dalka.

Tan iyo markii la ansixiyay sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman 2023, Guddigu wuxuu soo saaray laba liis oo lagu beegsanayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

1‘ Abuukar Cali Aadan Cabdullaahiย 

2′ Maxamed Mire Jaamacย 

3′ Xasan Yacquub Caliย  Bariย 

4′ Mahad Abdirahman Warsameย 

5′ Yuusuf Axmed Xaaji Nuunow

6′ Cabdikariin Cismaanย ย 

7 Nuur Cabdi Roobleย 

8′ Bakar Baashe Aadan Axmed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...