Golaha Wasiirrada oo dhageestay Warbixin ku saabsan Amniga guud ee dalka “SAWIRRO”

Date:

Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...