Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo interlock ah 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax dhigay dhismaha waddo interlock ah oo laga hirgelinaayo Waaxda Wajeer ee Degmada Kaaraan, taasi oo loo yaqaan waddada Sheekh Cusmaan Xiddig.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa boogaadiyay iskaashiga Bulshada iyo Maamulka Degmada Kaaraan ee ku aadan ka dhabeynta Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo kaabayaasha isku socodka Bulshada, asigoona ugu baaqay Bulshada Degmada iyo Maamulka Degmada Kaaraan in ay si laaba jibaaraan horumarinta iyo casriyeynta Wadooyinka Degmada Kaaraan.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Mudane Faarax Cadaani, Agaasimeyaal, Saraakiisha Laamaha Amniga, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Kaaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...