Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Waa in si deg deg ah warbixin looga keenaa wixii ka dhacay xabsiga dhexe”

Date:

-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed faray in looga baahan yahay in ay warbixin dhameystiran ka keenaan waxii shalay ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ee Hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo Kismaayo ka furmay shalay ayaa intaa ku daray in wixii xabsiga dhexe ka dhacay ay ahayd arrin aan la fileyn halisteedana leh, isagoo ku boorriyay saraakiisha jeelka in ay si deg deg ah arrintaasi uga keenaan warbixin dhamaystiran.

“Waa in si deg deg ah warbixin looga keenaa wixii ka dhacay xabsiga dhexe, si ciddii dhacdadaasi mas’uulka ka ahayd loola xisaabtamo, si hay’adaheenna aysan u noqon kuwo mar kasta u taagan jileec”.

Hadalka Xeer ilaaliyaha ayaa imanaya iyadoo shalay ay qaar ka tirsan maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar gaar ahaan xubnihii ku xukunnaa dilka ee khawaarijta ay shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac ka geysteen gudaha jeelka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...