Shirka Qiimeynta mashariicda dalka ka socota oo Muqdisho ka furmay

Date:

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka hadlay furitaanka shirka qiimeynta mashaariicda dalka ka socota ayaa sheegay inay muhiim tahay helidda hab lagula xisaabtamo halka ay maraan lacagaha loo qorsheeyey mashaariicda dalka ka socota.

“Waa in la helaa isla xisaabta dhab ah oo ku saabsan halka ay maraan lacagaha waaweyn ee ku baxa mashaariicda dalka laga fuliyo” ayuu yiri wasiir Beenebeene.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorsheynta XFS Maxamed Shire ayaa isna warbaahinta Qaranka uga warbixiyay shirka maanta ka furmay Muqdisho ee ku saabsan habkii ay hay’adaha dowladda u qiimeyn lahaayeen mashaariicda dalka ka socota,

Mudane Maxamed Shire ayaa sheegay in shirka mudda uu socda ay dhinacyo kaga doodi doonaan habkii loo maamuli lahaa mashaariicda kala duwan ee dalka soo gasho oo ay ugu horeyaan kuwa kasoo gala dhanka arrimaha bani’adanimo iyo hormarinta bulsha oo sida uu tilmaamay sanadkiiba loo qorsheeyey lacag dhan 1-bilyan oo Dollar ama ka badanba.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowaldda iyo xubno ka socda xafiiska QM ee Soomaaliya, iyo deeq bixiyaasha, kaas oo laga soo saari doono manhaj lagu qiimeyn doono habka dhaqan galka ee mashariicda dhammaan hay’adaha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...